Hormuud University
← News
ANNOUNCEMENT

Furitaanka Digital Marketing Course

Waaxda tababarrada Jaamacadda Hormuud (HUSAC) ayaa daahfurtay koorso Digital Marketing ah si loo horumariyo xirfadaha suuq-geynta dijitaalka ah

Furitaanka Digital Marketing Course
HUSAC waxay ku dhawaaqeysaa furitaanka 𝐃𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐨𝐮𝐫𝐬𝐞.
Koorsadan waxa ay diiradda saaraysaa soo saarista xirfadlayaal ku xeel dheer suuq-geynta dijitaalka ah isla markaasna diyaar u noqon kara suuqa shaqada, iyadoo lagu qaadan doono:
  1. Aasaaska iyo fahamka suuqgeynta digitalka ah.
  2. Suuqgenta Baraha Bulshada qeybaheeda kala duwan.
  3. Qorsheynta iyo fulinta ololayaasha suuq-geynta dijitaalka ah iyadoo la adeegsanaayo shirkado dhab ah.
  4. Isticmaalka AI-ga khuseeya suuqgeynta digitalka ah.
  5. Dhisidda istiraatiijiyad suuq-geyn oo dhamaystiran.
  6. Farsamooyinka iyo abuurista xogaha loo adeegsayo suuqgeynta digitalka ah.
  7. Falanqaynta xogta iyo cabbiridda natiijooyinka.
  8. Maareynta xayeysiisyada lacagta ah.
Koorsadan waxaa bixin doona 𝐌𝐫. 𝐇𝐚𝐫𝐮𝐧 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝, Maamulaha Suuqgeynta iyo Media-ha ee Nasiye, isaga oo ka soo bilaabi doono fikradaha iyo aqoonta aasaasiga u ah Suuqgeynta digitalka ah ilaa abuurista, adeegsiga, iyo maamulida suuqgeynta casriga ah.
📅 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐝𝐚: 2 bilood (Maalmaha Arbaco & Khamiis)
🕓 𝗪𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚: Galabkii 4:00 PM to 6:00 PM
💵 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐤𝐚: $70 (oo daboolaysaa qarashaadka koorsada oo dhameystiran & shahaadada)
📍 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚: Daru Shura Campus, Hormuud University, Zoobe, Villa Baidoa, Wadajir, Mogadishu, Somalia
📌 Noqo 𝐃𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐞𝐭𝐞𝐫 oo iska diiwaangeli adigoo gujinaaya link-ga hoos ku qoran: https://forms.gle/pnpyLcNoMAMqmwW36
𝐊𝐮𝐫𝐚𝐚𝐬𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧! 𝐇𝐚 𝐬𝐞𝐞𝐠𝐢𝐧 𝐟𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧.

Discover what is happening across Hormuud University.

Explore the newsroom