HUSAC waxay ku dhawaaqeysaa furitaanka 𝐂𝐫𝐞𝐚𝐭𝐢𝐯𝐞 𝐆𝐫𝐚𝐩𝐡𝐢𝐜 𝐃𝐞𝐬𝐢𝐠𝐧 𝐂𝐨𝐮𝐫𝐬𝐞.
Koorsadaani waxay ujeedadeedu tahay in lagu soo saaro ama lagu horumariyo xirfadda naqshadeynta, iyadoo loo diyaariyey tabobar xirfadeed oo ka kooban:
1. Barashada aasaaska iyo fikradaha muhiimka u ah naqshadaynta.
2. Naqshadeynta astaamo iyo garaafyo ku salaysan hal-abuur.
3. Hirgelinta mashaariic waxtar leh oo la jaanqaadaayo caalamka.
4. Isticmaalka farsamooyinka naqshadeynta ee Adobe Photoshop, Illustrator, iyo InDesign si xirfadeysan.
Koorsadan waxaa bixin doona 𝐄𝐧𝐠. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧, Agaasimaha Xafiiska Media-ha iyo Baahinta ee Jaamacadda Hormuud, isaga oo ka soo bilaabi doono fikradaha iyo aqoonta aasaasiga u ah naqshadeynta ilaa abuurista iyo hirgelinta mashaariic hal-abuur ku salaysan.
𝐊𝐮𝐫𝐚𝐚𝐬𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧! 𝐇𝐚 𝐬𝐞𝐞𝐠𝐢𝐧 𝐟𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧.