Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Xiriirka Qalinjabiyeyaasha ee Jaamacadda Hormuud ayaa soo agaasimay 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝 oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Jaamacadda, 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐮𝐫𝐢𝐲𝐞, iyo ardayda sannadka afraad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi, hagida iyo iftiiminta fursadaha kala duwan ee ay heli karaan ardayda ku dhow qalin-jabinta, islamarkaana muhiimada lagu saaray aragtida iyo mudnaanta ardaydga.

Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa adkeeyay sida ay jaamacaddu uga go’an tahay horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka, iyo diyaarinta arday leh aqoon iyo xirfado u diyaarsan suuqa shaqada maxalliga ah iyo tartanka caalamiga ah.

Date: January 18, 2026