Hormuud University
← News
NEWS

Booqasho Rasmi ah oo Maamulka Jaamacadda Hormuud ku Tegay United Bottling Company (UBC)

Iskaashi Istiraatiiji ah oo Lagu Xoojinayo Xiriirka Tacliinta Sare iyo Baahiyaha Warshadaha

Booqasho Rasmi ah oo Maamulka Jaamacadda Hormuud ku Tegay United Bottling Company (UBC)
Maamulka Jaamacadda Hormuud, oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Jaamacadda 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐞, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Shirkadda United Bottling Company., halkaas oo ay kulan wax ku ool ah la yeesheen Maamulka Guud ee shirkadda. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya jaamacadda iyo warshada, gaar ahaan kor u qaadista is-dhexgalka tacliinta sare iyo baahiyaha dhabta ah ee suuqa shaqada.
 
 
Intii kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen isku xirka manhajka waxbarashada iyo baahiyaha warshadaha, fursadaha tababarka ardayda, cilmi-baaris ku saleysan xalinta dhibaatooyinka dhabta ah, iyo horumarinta xirfadaha shaqo. Maamulka UBC (Coca-Cola) ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay taageeridda iskaashi waara, waxaana kulanka lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan dhisidda iskaashi muddo dheer ah iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo dan u ah labada dhinac.
 
Date: January 17, 2026

Discover what is happening across Hormuud University.

Explore the newsroom