Maamulka sare ee 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐬 (Red Sea University) ee magaalada 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨, oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐡𝐚𝐤𝐢𝐦 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee jaamacadda, ayaa si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Warbaahinta ee 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud, 𝐄𝐧𝐠. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧, si loo sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada jaamacadood. Agaasimaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Jaamacadda.






Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer la iskaga xog-warystay guulaha iyo horumarrada ka kala socda labada jaamacadood, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda wada shaqaynta iyo is-dhaafsiga khibradaha jaamacadaha, kuwaas oo door muuqda ka qaata kobcinta aqoonta, tayeynta waxbarashada, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.





The management of Red Sea University in 𝐁𝐨𝐬𝐚𝐬𝐨, led by the Acting President and Vice President for Administration & Finance, 𝐌𝐫. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐡𝐚𝐤𝐢𝐦 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡, alongside the university’s senior leadership, officially received the Director of Creative Media and Broadcasting at Hormuud University, 𝐄𝐧𝐠. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧, aiming to further strengthen the relationship and cooperation between the two universities. He was warmly welcomed at the University premises.







During the meeting, in-depth discussions were held regarding the achievements and developments of both universities. Special emphasis was placed on the importance of inter-university collaboration and the exchange of expertise, which play a significant role in enhancing knowledge, improving academic quality, and promoting community awareness.


