𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 waxaa sharaf weyn u ahayd inay martigeliso 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐓.𝐁.𝐇. 𝐖𝐢𝐭𝐣𝐚𝐤𝐬𝐨𝐧𝐨 𝐀𝐝𝐣𝐢, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia ee dalka Kenya, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia ee dalka Kenya, isla markaana u qaabilsan wadamada Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyo Uganda, kana ah Wakiilka Joogtada ah ee Indonesia u fadhiya UNEP iyo UN-Habitat, oo booqasho rasmi ah uu ku yimid Jaamacadda Hormuud.



Booqashada Safiirka ayaa ku soo beegantay kaddib markii 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 ay dhawaan aas-aastay 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 (𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 𝐨𝐟 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚𝐧 𝐚𝐧𝐝 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐢𝐞𝐬), isla markaana si wadajir ah u wada aasaaseen Universitas Muhammadiyah Riau iyo Universitas Islam Riau ee dalka Indonesia.




Ujeeddada ugu weyn ee booqashada Safiirka ayaa ahayd xoojinta iyo horumarinta Machadka, si uu u noqdo madal rasmi ah oo lagu kobciyo iskaashiga dhinacyada tacliinta sare, cilmi-baarista iyo is-dhaafsiga dhaqanka ee u dhexeeya Indonesia iyo dalalka Afrika.

Machadka oo haatan ballaarinaya hawlahiisa, iyadoo jaamacado iyo hay’ado tacliimeed oo dheeraad ah oo ka kala socda Indonesia iyo dalalka Afrika ay ku biirayaan. Taas oo ay ujeeddadeedu tahay in Machadku noqdo xarun caalami ah oo lagu horumariyo cilmi-baarista, iskaashiga tacliimeed iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo dhaqanka ee u dhexeeya Indonesia, Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 waxay si weyn u bogaadinaysaa taageerada joogtada ah ee 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫 𝐓.𝐁.𝐇. 𝐖𝐢𝐭𝐣𝐚𝐤𝐬𝐨𝐧𝐨 𝐀𝐝𝐣𝐢, iyadoo mar walba ka go’an sii xoojinta iskaashigan istaraatiijiga ah ee horseedaya fursado cusub oo dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta u leh Soomaaliya iyo Indonesia.

---
𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 was honored to welcome 𝐇𝐢𝐬 𝐄𝐱𝐜𝐞𝐥𝐥𝐞𝐧𝐜𝐲 𝐓.𝐁.𝐇. 𝐖𝐢𝐭𝐣𝐚𝐤𝐬𝐨𝐧𝐨 𝐀𝐝𝐣𝐢, Ambassador of Indonesia to Kenya, who is also accredited to Somalia, the DRC, and Uganda, as well as the Permanent Representative to UNEP and UN Habitat, for an official visit to Hormuud University; following the establishment of the 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 𝐨𝐟 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚𝐧 𝐚𝐧𝐝 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐢𝐞𝐬 (𝐈𝐈𝐈𝐀𝐒) by 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 and co-founded by 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐚𝐬 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐦𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐡 𝐑𝐢𝐚𝐮 and 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐚𝐬 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐦 𝐑𝐢𝐚𝐮.

This official visit of his Excellency focused on advancing the 𝐈𝐈𝐈𝐀𝐒 as a platform for cooperation between Indonesia and Africa. In fact, 𝐈𝐈𝐈𝐀𝐒 is quickly expanding to include other academic institutions in Indonesia and in Africa as a hub for research, academic collaboration and cultural exchange between Indonesia, Somalia, and the wider African continent.




𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 wholeheartedly appreciates the continued support of 𝐇.𝐄. 𝐀𝐦𝐛𝐚𝐬𝐬𝐚𝐝𝐨𝐫 𝐖𝐢𝐭𝐣𝐚𝐤𝐬𝐨𝐧𝐨 𝐀𝐝𝐣𝐢 and works so hard to advancing this shared opportunity for Somalia and Indonesia.



