𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐢𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 🇸🇴
Maanta oo ah 𝟏-𝐝𝐚 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨, waxaan si sharaf iyo farxad leh u xusaynaa maalintii taariikhiga ahayd ee ay Soomaaliya heshay xorriyadeeda isla markaana ay ku midoobeen goboladii Waqooyi iyo Koonfur.
Iyadoo la maamuusayo halgankii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii horseeday xorriyada iyo midnimada dalkeena, aynu sii xoojino midnimada, nabadda, waxbarashada, iyo horumarka si aynu u dhisno Soomaaliya ka wanaagsan tan maanta.