𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝
𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 waxay si rasmi ah u shaacinaysaa qabsoomidda 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐇𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚, waxaana la qaban doonaa maalinta 𝐊𝐡𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚, taariikhduna ku beegantahay 𝟐-𝐝𝐚 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Kulankan oo noqon doona kii ugu horreeyay noociisa ah isla markaana isu keeni doonaa waalidiinta iyo maamulka Jaamacadda si ay uga wada hadlaan arrimaha xoojinaya guusha waxbarasho ee ardayda, kobcinta shakhsiyadooda, iyo tayaynta guud ee waayo-aragnimadooda waxbarasho. Sidoo kale, kulankaan wuxuu fursad u noqon doonaa in waalidiinta lagula wadaago himilooyinka istaraatiijiyadeed ee Jaamacadda, qorshayaasha iyo dadaalada socda, iyo yoolalka mustaqbalka, iyadoo la dhiirrigelinayo xiriir wax-ku-ool ah iyo is-dhaafsiga fikradaha.
Waxaan si xushmad leh ugu casuumeynaa dhammaan waalidiinta ardeydeena inay ka soo qaybgalaan munaasabadaan muhiimka ah, si aan uga wada shaqeyno xaqiijinta jawi waxbarasho oo taageera ardayda, isla markaana aan u soo saarno qalin-jabiyeyaal leh aqoon, akhlaaq suuban, iyo xirfado heer sare ah oo u diyaarsan inay si hufan ugu adeegaan bulshada.
Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan nagala soo xiriir:
📞 +252 61 3311119
📞 +252 61 6003678
---
𝐀𝐧𝐧𝐮𝐚𝐥 𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐁𝐞𝐭𝐰𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐞𝐧𝐭𝐬’ 𝐏𝐚𝐫𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭
𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 is pleased to announce the first 𝐀𝐧𝐧𝐮𝐚𝐥 𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐁𝐞𝐭𝐰𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐞𝐧𝐭𝐬’ 𝐏𝐚𝐫𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭, to be held on 𝐓𝐡𝐮𝐫𝐬𝐝𝐚𝐲, 𝟐 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔.
This inaugural meeting will bring together parents and the University’s management to discuss matters that support students’ academic achievement, personal development, and overall educational experience. It will also provide an opportunity to share the University’s strategic priorities, ongoing initiatives, and future aspirations, while encouraging meaningful dialogue and the exchange of perspectives.
We cordially invite all parents to attend this important occasion as we reaffirm our collective commitment to providing a supportive learning environment and preparing graduates equipped with the knowledge, values, and professional competencies needed to serve society.