Xubno matalaayey Jaamacadda Hormuud oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka, Dr. Maxamed Cabdullaahi Januune, islamarkaana ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulka sare iyo ardayda Jaamacadda, ayaa ka qeyb galay Shirka Lixaad ee Hoggaanka & Hal-abuurka 2025. Shirkan oo ay soo agaasimeen Arkaan Leadership and Innovation Hub, ayaa sanadkaan diiradda lagu saaray “Dhisidda Dhallinta Mustaqbalka, Hal-abuurka, iyo Hoggaaminta Soomaalida soo kobcaysa.”

Intii lagu guda jiray shirka, Dr. Maxamed ayaa khudbad ka jeediyey tasoo ku adkeeyay muhiimadda ay hal-abuurku iyo cilmi-baaristu u leeyihiin koboca bulshada, isagoo xusay in hal-abuurku yahay laf-dhabarta horumarka casriga ah, halka cilmi-baaristuna ay tahay furaha lagu fahmo laguna xalliyo caqabadaha taagan. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in xarunta cilmi-baarista ee Jaamacadda Hormuud, ay u furantahay dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee danaynaysa cilmi-baarista iyo hal-abuurka, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha jiilka mustaqbalka.
Jaamacadda Hormuud waxay sii wadaysaa dhiirrigelinta hal-abuurka iyo cilmi-baarista, iyadoo abuuraysa fursado bulshada ka taageeraya aqoon-abuurista, tayeynta, fikradaha cusub iyo horumarka waara, taasoo gogol-xaare u noqon doonta jiilka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee mustaqbalka dhow.
Date: December 4, 2025