Waxaan u hambalyaynaynaa qalinjabiye ๐๐ง๐ . ๐๐๐๐ข๐ฌ๐๐ฅ๐๐ง ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ค๐๐๐ข๐ซ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐, oo ku guuleystay deeqda waxbarasho ee KFUPM, isagoo sii wadan doona waxbarashadiisa kana diyaarin doona PhD-ga Injineeriyadda Korontada (PhD in Electrical Engineering) ee Jaamacadda King Fahd University of Petroleum & Minerals.
๐๐ง๐ . ๐๐๐๐ข๐ฌ๐๐ฅ๐๐ง wuxuu ka qalinjabiyay Kuliyadda Injineeriyadda, gaar ahaan waaxda Telecommunication Engineering sanadkii 2019, isla markaana ka mid noqday howlwadeenada Jaamacadda. Wuxuu sidoo kale ka qaatay Master of Engineering in Wireless Communication and Networks jaamacadda Universiti Teknologi Malaysia (UTM) ee dalka Malaysia.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkiisa gaarka ah iyo horumarkiisa dhanka aqoonta iyo cilmi-baarista. Waxaan boogaadineynaa inaan aragno qalinjabiyaasheena oo sii horumarinaya aqoontooda iyo xirfadaha ay ku hawlanyihiin.
Date: January 20-2026