Hormuud University
← News
NEWS

Ka Qaybgalka Jaamacadda Hormuud ee Soo Dhaweynta Markabka Çağrı Bey

Jaamacadda Hormuud ayaa ka qayb gashay soo dhoweynta markabka Çağrı Bey si loo xoojiyo horumarinta waxbarashada batroolka

Ka Qaybgalka Jaamacadda Hormuud ee Soo Dhaweynta Markabka Çağrı Bey
𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud ayaa si rasmi ah loogu casuumay inay ka mid noqoto martisharafta isla markaana ka qayb gasho munaasabadda soo dhoweynta markabka Ç𝐚ğ𝐫ı 𝐁𝐞𝐲 oo ay soo qabanqaabisay Dowladda. Markabka Çağrı Bey ayaa dalka yimid si uu u fuliyo hawlgallada qodista shidaalka ee badda (offshore). Ka qaybgalka Jaamacadda ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo ka timid 𝗪𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐭𝐫𝐨𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.
 
 
Casuumaadaan ayaa sidoo kale ku salaysnayd in Jaamacaddu ay bilowday 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐭𝐫𝐨𝐨𝐥𝐤𝐚, iyadoo ay weheliyaan barnaamijyo kale oo cusub. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud uga go’an tahay horumarinta waxbarashada la xiriirta macdanta iyo batroolka, si ay uga qayb qaadato horumarka qaranka.
 
 

Discover what is happening across Hormuud University.

Explore the newsroom