Hormuud University
← News
EVENT

Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud Oo Si Rasmi Ah U Daahfuray Imtixaanka Aqbalaadda 2025–2026

Professor Dr. Abdi Omar Shuriye ayaa ku boorriyay ardayda cusub inay muujiyaan karti, aqoon iyo dedaal, iyadoo 10-ka arday ee ugu sarreeya ay heli doonaan deeq waxbarasho

Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud Oo Si Rasmi Ah U Daahfuray Imtixaanka Aqbalaadda 2025–2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Professor Dr. Abdi Omar Shuriye, ayaa maanta oo ku beegan 15 October 2025 si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Aqbalaadda Jaamacadda, kaas oo ay u fadhiisteen ardayda cusub ee isdiiwaangelisay sannad-waxbarasheedka 2025–2026.

 

Professor Dr. Abdi Omar Shuriye

 

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardaydu muujiyaan karti, aqoon iyo dedaal, isaga oo xusay doorka Jaamacadda Hormuud ee ku aaddan horumarinta iyo kobcinta tayada waxbarashada, si loo helo jiil aqoon iyo anshax leh oo bulshada anfaca.

 

 

Sidoo kale, waxa uu shaaciyay in 10-ka arday ee ugu darajada sarraysa natiijada imtixaanka ay heli doonaan deeq waxbarasho, taas oo u oggolaanaysa inay si buuxda uga baran karaan kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Daahfurka Imtixaanka Aqbalaadda Jaamacadda Hormuud waxa uu muujinayaa sida ay Jaamacaddu uga go’an tahay kor u qaadista tayada waxbarashada iyo soo saarista jiil aqoon, iyo himilo sare leh. Tallaabadan muhiimka ahi waa bilow cusub oo rajo iyo fursad u ah ardayda cusub, gaar ahaan kuwa dadaalka iyo kartida muujiya ee mudan doona deeqaha waxbarasho.

Ugu dambayn, Jaamacadda Hormuud waxay mar kale ku boorrinaysaa dhammaan ardayda inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha leh, kana dhigaan safarkooda waxbarasho mid ku dhisan dadaal, hufnaan iyo yool cad.

 

Discover what is happening across Hormuud University.

Explore the newsroom