Munaasabadda Xafladda Soo Dhaweynta iyo Jihaynta Ardayda cusub oo si heer sare ah uga dhacday xarunta Jaamacadda Hormuud.
Munaasabaddan oo ahayd mid si habsami leh loo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyay ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda, iyadoo lagu barayay nidaamka waxbarasho, qiyamka jaamacadda, iyo himilooyinka waxbarasho ee ay Jaamacaddu hiigsanayso.

Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, 𝗣𝗿𝗼𝗳𝗲𝘀𝘀𝗼𝗿 𝗗𝗿. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝘂𝗿𝗶𝘆𝗲, oo halkaas ka jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jirta, isaga oo ardayda cusub ku boorriyay in ay ku dadaalaan waxbarashada.

𝗣𝗿𝗼𝗳𝗲𝘀𝘀𝗼𝗿 𝗗𝗿. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗢𝗺𝗮𝗿 𝗦𝗵𝘂𝗿𝗶𝘆𝗲 - Gudoomiya Jaamacadda
Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka soo qayb galay 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲 𝗸𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗱𝗵𝗶𝗻𝗮𝗰𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗱𝗶𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮, 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶-𝗯𝗮𝗮𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮, 𝗵𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻, 𝘄𝗮𝗮𝗹𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯.

Dr. Abdulkadir Mukhtar Diblawe – Guddoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda

Mr. Abdikamal Mohamed Abdullahi – Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda

Sawirrada Ardayda Cusub


