Wafdi uu hoggaaminaayey Gudoomiyaha Jaamacada Jamhuriya University of Science and Technology, 𝐄𝐧𝐠. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Jaamacadda Hormuud. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay maamulka sare ee Jaamacada Hormuud. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya labada jaamacadood, gaar ahaan dhinacyada is-weydaarsiga khibradaha aqooneed, tacliinta, cilmi-baarista wadajirka ah, iyo horumarinta awoodda hay’adaha.

Guddoomiyaha Jaamacada Hormuud, 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐞, ayaa si diirran u soo dhaweeyey wafdiga, isagoo uga mahadceliyey Jaamacada Jamhuriya doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada iyo adeega ay u hayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in jaamacaduhu si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta aqoonta iyo cilmi-baarista dalka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta iyo dhisida xiriir joogto ah oo ku saleysan dan wadaag iyo horumar waara.

Date: January 14, 2026