Xafladda Qalinjabinta Dufcadda 12aad (2025) ee Jaamacadda Hormuud ayaa si heer sare ah loo qabtay 30-kii December 2025, iyadoo lagu martigeliyay Xarunta KM13.


Munaasabaddan qiimaha weyn leh ayaa ahayd mid si wadajir ah loogu dabaaldegay guusha ardayda muddada dheer ay u soo halgameen aqoon kororsi iyo horumar shaqsiyeed. Qalinjabiyeyaashu waxaa wajiyadooda laga dheehan karay, kalsooni, farxad iyo yididiilo mustaqbal, taas oo ka tarjumaysay miro-dhalka dadaalkoodii waxbarasho.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay madax sare oo ka kala socday jaamacadda, masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, waalidiin, marti sharaf, iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran ah ayaa laga jeediyay, kuwaas oo xooga saaray muhiimadda aqoonta, anshaxa, iyo doorka dhalinyarada ee horumarinta dalka.



Sidoo kale, maamulka jaamacadda ayaa bogaadiyay ardayda qalinjabineysa, iyagoo ku ammaanay adkaysi, dadaal iyo u heellanid waxbarasho, kana dalbaday inay aqoontooda u adeegsadaan adeegga bulshada iyo dhismaha mustaqbalka qaranka. Waalidiinta iyo martida ayaa dhankooda muujiyay farxad iyo taageero, iyagoo xusay in maalintani tahay mid xusuus gaar ah u leh qoysaska iyo jaamacadda labadaba.

Ugu dambeyn, Xafladda Qalinjabinta Dufcadda 12aad waxay noqotay astaan muujinaysa horumarka waxbarasho ee Jaamacadda Hormuud iyo doorkeeda muuqda ee kobcinta aqoonta iyo tayeynta jiilka cusub ee dalka.
Hambalyo dhammaan qalinjabiyeyaasha guul iyo horumar ayaad mudan tihiin.