Jaamacadda Jaamacadda Hormuud waxay si rasmi ah u qabatay xafladda xil-wareejinta Guddoomiyihii hore iyo soo-dhaweynta Guddoomiyaha cusub, taas oo astaan u ah kala-guur hoggaamineed oo hufan, nidaamsan, kuna dhisan ixtiraam iyo wada-jir.
Xafladdan ayaa si rasmi ah xilka waxaa ula wareegay Prof. Dr. Abdi Omar Shuriye, Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Hormuud, kaas oo beddelay Dr. Adam Shidane Guled, Guddoomiyihii hore ee jaamacadda.

Intii ay socotay xafladda, Dr. Adam Shidane Guled ayaa hadal ka jeediyay madasha, isagoo ka warbixiyay waayo-aragnimadii iyo waxqabadkii uu jaamacadda ku hoggaamiyay muddo 10 sano ah, kuna soo kordhiyay horumar maamul iyo mid tacliimeed. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay dhammaan maamulka, macallimiinta, iyo ardayda sida ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Ahmed Mohamud Yusuf, Guddoomiyaha Guddiga Sare (Board of Trustees), ayaa ka hadlay muhiimadda xil-wareejin nidaamsan iyo doorka guddigu ku leeyahay ilaalinta hannaanka maamul iyo isla-xisaabtan. Hadalkiisa ayaa adkeeyay in jaamacaddu ku dhisan tahay nidaam iyo hoggaan wada-tashi ku saleysan.

Dhanka kale, Farah Sheikh Abdikadir, Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, ayaa jeediyay khudbad rasmi ah oo dhiirrigelin ah, isagoo bogaadiyay doorka Jaamacadda Hormuud ee horumarinta waxbarashada sare iyo kobcinta aqoonta dhalinyarada. Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Bidey), kaas oo xusay muhiimadda hoggaan aqooneed iyo cilmi-baaris tayo leh.

Gebogabadii, xafladda xil-wareejintu waxay ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, kana tarjumeysa biseylka iyo hufnaanta maamul ee Jaamacadda Hormuud. Jaamacaddu waxay uga mahadcelinaysaa Guddoomiyihii hore dadaalkii uu soo qabtay, halka Guddoomiyaha cusubna loo rajeynayo guul, horumar, iyo hoggaan miro-dhal ah oo u horseeda jaamacadda mustaqbal ifaya.