Jaamacadda Hormuud  ayaa xaflad aan nooceeda hore loo arag kusoo dhaweysay ardaydeeda
cusub ee sanad dugsiyedga 2018-2019, waxaana ardayda Jaamacadda Hormuud soo bandhigeen Projects ay sameeyeen
oo ay kusoo dhaweynayeen ardeyda cusub.

Munaasibadan soo dhaweynta ah oo ardayda cusub loogu qabtay Hoolka Jaamacadda ayaa waxa ka soo qaybgalay,
Guddoomiyaha Jaamacada Hormuud, Dr Adam Shidane Guled, guddoomiye ku -xigeenka, Eng Liban Ali Afrah, Madaxda
Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ka kooban tahay, macalimiin iyo hawlwadeenada kale ee Jaamacadda Hormuud.